Caafimaad darrada ay ka dhalan karta in saacado badan qofka Bani ‘aadamka ah uu shaqeeyo

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay’adda shaqaalaha ee I.L.O, ayaa sheegay in sanad walbo ay boqollaal kun oo qof ay u dhintaan sababo la xiriira, shaqeynta saacadaha badan awgeed.

Daraasaddan oo mid heer caalami ah oo marki ugu horreysay la sameeyey, ayaa waxaa lagu sheegay, in sanadki 2016-kii oo keliya ay 745,000 oo qof iney u dhinteen cudurro kasoo wajahay sacadaha badan ee ay shaqeynayeen.

Xaaladaha ay dadkaasi u dhintaan ayaa ka mid ah wadno xanuunka, taasi oo ay sababtay shaqeynta 55 saacadood iyo ka badan Toddobaadkii.

Hay’adda WHO waxaa kale oo ay sheegtay, in dadka saacadaha badan shaqeeya ee ugu badan ay ku nool yihiin waddamada dhaca Koonfurta bari ee Aasiya iyo galbeedka badda Pasifigga.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com