Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha Bulaacad Casri ah oo uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyay inta u dhaxeysa isgooska Km4 ilaa dekada Qalalan ee Muqdisho.
Fulinta mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada Caasimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameynta uu roobka u geesto bilicda iyo isku socodka magaalada.