Boosaaso: Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Firin Maxamed Khuurshe.
Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Khuurshe ayay wararku sheegayaan in koox ku hubeysan bastoolad ay ku dileen meel ku hotel uu ka degenaa magaalada Boosaaso.
Kooxdii ka dambeysay dilka ayaa baxsatay,waxaana la sheegay in allaha u naxariistee marxuumka la diley aysan la socon wax ilaalo ah.
Magaalada Boosaaso ayaa badanaa waxaa ka dhaca dilalka qaarijinta ee loo geysto mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland.
intibada weerarada kadhaco guud haan gobolada dalka ayaa waxaa sheegto xoogaga kassoo horjeedo dowlada somaliya.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com