Booliska Soomaaliland oo Hawlgal ku soo qabtay Dad Faafinayay Diinta Kirishtanka

Ciidamada Booliska Somaliland  ayaa  shaaciyey in howl-galo ay sameeyen ay ku soo qabteen Rag ay sheegen inay diinta Kiristaanka ku faafinayeen Degaanada Somaliland.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay labo ruux oo deegaanada Somaliland ku dhex faafinayay diinta Kirishtanka , sida uu sheegay Afhayeenka cidanka booliska Somaliland.

Gaashaanle Sare Feysal Xiis, Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in labadaasi Ruux loo gudbiyey maxkamdda si loo marsiiyo sharciga,.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada qof ee ay soo qabteen ahaayeen dad ka baxay diinta Islaamka, isla markaana ay yihiin dad si fiican u yaqana Qur’aanka kariimka iyo culuumta kale ee Diinta.

Dhinaca kale waxa uu ka   dhawaajiyey inaysan marnaba aqbaleyn in bulshadooda lagu dhex faafiyo diinta Kiristaanka, cidii falkaasi ku kacdana ay la tiigsan doonaan sharciga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com