Booliska Puntland oo qabtay Nin gacan ku dhiigle ah

Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay Eedeysane Axmed Maxamed Shire oo la sheegay in dil uu toreey u adeegsaday uu u geystay Wiil Arday ahaa oo lagu Magacaabi jiray  Cabdiqadir Siciid Cabdi.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Waalidiinta Eedeysanaha iyo Bulshadii ka qeyb qaadatay soo qabashada Eedeysanaha.

Taliyaha Qaybta Nugaal G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay In Eedeysane Axmed Maxamed Shire hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Dhexe ee Garoowe baaritaana lagu wado sharcigana la horgeyn doono.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com