Booliska Puntland oo Faah Faahin ka bixiyay Weerarkii xalay lagu qaaday Xabsiga Weyn ee Boosaaso

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo warbahinta kula hadlay xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa ka War bixiyay weerar xalay Kooxo  hubaysan ay ku qaadeen  xabsigaas.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in kooxda  xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu sheegay.

Taliyaha , ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in a faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha weerarkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com