Booliska Oslo oo caawa al-baabada iskugu dhiftay mid kamid ah maqayadaha Somaalida.

Xili cudurka Covid-19 dunida si aad ah ulatacaaleyso is lamarkaana si aad ah ugu siifidayo dunida ayaa dowlada  Norway waxa ay maalin walba soo jeeisaa baaqyo ku aadan sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka caabuqa Karoona veirus.

Mid kamid ah maqaayadaha soomaalida oo ku taalo xafada Grøland ee magaalada Oslo ayaa caawa fiidki waxaa gudaha ugalay  ilaa 4-gaari oo bolis ah xiligaasi oo ay ku sugnaayeen dad aad u tirabadan.

Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyay Shabakada Aragti Cusub in maqaayada xiligii ay booliska inaamanayeen ay ku sugnaayeen dad aad u tirabadan oo xiligaasi daawanayeen cayaaro waxaana dadkii goobta ku sugnaa mid mid looga qoray magacyadooda iyo Telfonkooda.

Waxaa lagayaabaa in dadkaasi ay lakulmaan ganaax lacageed madaama dowlada hore u shegtay in ay goob iskugu imaan karin wax kabadan 10- qof.

Maqaayada caawa lagalay ayaa ah maqaayada ugu weeyn ee ay somali kuleehaday magaalada Oslo .