Booliska oo xaqiijiyay in uu isku soo dhiibay qofkii ka dambeeyay weerarkii Stovner.

Oslo:-Booliska Magaalada Oslo ayaa goordhaw xaqiijiyay in uu isku soo dhiibay ruuxii ka dambeeyay weerarkii lagu Dhaawacay wiil Soomaali ah xaafada Stovner ee Magaalada Oslo.

Ninka ayaa isaga iyo qareenkiisa tagay xarunta Booliska sidaa waxaa yiri taliyaha booliska  Anne Alræk Solrem oo goordhaw la hadashay wargeyska VG.

Taliyaha ayaa intaasi raacisay in la xiri doono dambiilaha maalinimada bari ah.

Qareenka ruuxa falka geystay oo lagu magacaabo Usama Ahmad ayaa sababaha uu isku soo dhiibay ku macneeyay in uu ogaa in Booliska si aad ah u baadi goobayeen.

Isaga oo ka gaabsaday in faah faahin dheeri ah ka bixiyo waxyaabaha gaarka ah ee ka dhaxeeyay wiilka uu dhaawaca u geystay.

Ninkaan habeenimadii isniinta dhaawac u geystay wiil Soomaali ah xaafada Stovner ee Magaalada Oslo.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com

Info@aragticusub.com