Booliska oo ka hadlay Ganacsade lagu dilay degmada Xamarweyne

Afhayeenka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadaq Doodishe oo ka hadlay dil maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ayaa sheegay in dilkaas uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, isla markaana uu u geystay Abuubakar Maxamed Nuurani, 65 jir ahaa.

Ninka la dilay ayaa ahaa Ganacsade aad looga yaqaano degmada Xamarweyne gaar ahaan Waaxda Gobonimo, waxaana wararka qaar aan helnay ay sheegayaan in askarigii dilka geystay

” Maanta 1:20 duhurnimo, ayaa Boliiska Gobolka Banaadir, gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka, oo Degmada Xamar-weyne Waaxda Gobonimo ku dilay Abuubakar Maxamed Nuurani,  65sano  jir ahaa Ina Hooyo Saaman Cali Abuukar. Eedeysanah ayaa Cadaalada Wajahaya, ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya