Booliska Norwey oo toogasho ku dilay Muwaadin u dhashay wadanka Swedan.

Oslo:-laba askari oo ka tirsan ciidamda Booliska dalka Norwey ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay toogasho ku dileen muwaadin u dhashay dalka Swedan.

Toogashadaan oo ka dhacday Magaalada Sarpsborg ayaa timid karib markii nin da,diisa lagu sheegay 34-jir oo gacanta ku heystay mindi booliska ku amreen in uu dhigo.

Ruuxa la toogtay ayay dad goobjoogayaal ah tilmaameen in uu ka dhaga adeegay amarka booliska taasina keentay in xabado ku fureen isla markaana dhaawacii soo gaaray u geeriyooday.

Sarkaal ka tirsan booliska oo dhacdada ka hadlay ayaa xusay in ninka la dilay mindi ku weraray Ruux kale kadibna markii amar lagu siiyay in uu mindida dhigana Ła soo aaday dhanka booliska taasina keentay in ay toogtaan.

Waaxda baarista dambiyada dalka Norwey ayaa haatan dacwo ku soo oogay laba sarkaal oo ka dambeeyay falkaasi waxaana ay tilmaameen in baaritaanka dhacdadaasi guda gali doonaan.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com