Booliska Norway oo baadi goob ugu jira helida sedex ruux oo doon kula qalibantay wabiga.

Oslo:-Booliska Wadanka Norwey ayaa baadi goob ugu jira sidii ay u soo bad baadin lahaayeen 3-ruux oo doon kula qalibantay deegaanka Kven ee gobolka Vestland.

Sedexdaan ruux ayaa la sheegay in xiligii doonta kula qalibantay ay ku sii jeedeen Hytte ku yaal Magaaladaas.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in booliska hada heleen doontii sedexda ruux saarnaayeen iyo qeybo ka mid ah dhar iyo agab kale oo ay wateen.

Sidoo kale booliska ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u soo bad baadin lahaayeen dadkaasi balse rajada nolol ee dadkaasi ayay ku waramayaan in aad u yar tahay.

Xiliga ay doonta sedexdaan ruux kula qalibmaysay deegaankaas ayaa la sheegay in roobab xoogan ka da,ayeen deegaanka taasina ay sabab u aheyd in falka shilkaani uu dhaco.

Xafiiska Wararka,Oslo-Norway.

Info@aragticusub.com