Booliska Gobolka Mudug oo sheegay inay gacanta ku dhigeen dad dilal geystay.

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada Amni ee gobolka Mudug iyo howlgallo ay sameeyeen Ciidamada oo ay kusoo qabteen dad dilal geystay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in xaalada amni ee degaannada Gobolka Mudug xilligan ay yihiin kuwo wanaagsan, balse ay jiraan marraka qaar dhalinyarao dadka Mobeelada ka qaadanaya, kuywaasna ay ka hortageen.

Sidoo kale Talitaha waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada booliska howlgallo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo dil Magalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsna qeybta CIDA-da iyo Wariye Jamaal Faarax Aadan, dhawaan ay Maxkamad horkeeni doonaan.
Warkan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaannada gobolka Mudug ee qeybta Puntland ay mrara badan ka dhaceen dilal loo geystay askar iyo Saraakiil, kuwaas oo qaarkood dad loo qabtay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com