Booliska Gobolka Bari oo qabtay dad Cunto ka Ganacsanayay Bisha Ramadaan

Booliska Gobalka Bari ayaa Maanta howlgallo ay ka sameeyeen Magalada Boosaso ku galay Goobo lagu Iibinaayay Cunooyin Bisil, iyada oo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha howlgalla hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in inay warbixin la soo wadaageen Booliska qaar kamid ah Shacabka Magaalada Bosaaso, iyaga oo Gacanta ku dhigeen Raggii iyo haweenkii Cunooyinkaas karinaayay’

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa uga digay Dadka Iska leh Goobaha Maqaayadaha in ay Bishaan Ramadaan ka Ganacsadaan Cunooyin la kariyo Inta lagu Jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo uu sheegay in Cidii Arinkaas ay Booliska ku soo qabtaan ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com