Booliska Gobolka Bari oo Gacanta ku dhigay Koox dhac geystay

Taliska Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay inay  ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan dad dhac iyo dhaawac u geestay qof shacab ah magalada Bosaaso kadib markii gaari ay wateen ay ula baxsadeen duleedka Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud  ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen gaariga la dhacay oo ahaa nooca Probox, NO1482 kana diwaan gashan Dowlada Hoose Bosaaso iyo waliba Ciidmada ay gacanta ku soo dhigeen labo dhalinyaro, kuwaas oo hada gacanta ugu jira laamaha Ammaanka Gobalka Bari.

Goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen Booliska waxaa goob joog ka ahaa ehelada wiilka gaariga laga dhacay isla markaana ay dhaawaca xabada ay u geesteen  Kooxaha Burcadda ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in aan qof shacab lagu xadgudbi karin hantidiisa taasna ay tahay astaanta ay ciidamada u taagan yihiin.

Tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay cabaso kasoo yeereysay Shacabka Magaalada Boosaaso, iyaga oo sheegayay inay jiran Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanaya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com