Booliiska oo faah faahiyay qaraxii ka dhacay Baydhabo

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo fuliyay Nin iksu soo xiray waxyaabaha qarxa oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka booliiska Sadiiq Aadan Cali oo faah fahin ka bixyay qaraxa ayaa yiri:

Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof, dhaawaca 5 kale, iyo burbur hantiyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com