Biyo la’aan ka jirta degaano ka Tirsan gobolka Mudug

Qaar ka mid ah deegaannada ku yaalla waqooyi-bari gobolka Mudug ee mamaul-goboleedka Puntland ayaa waxaa laga soo sheegayaa biyo yari baahsan, iyadoo roobabkii Gu’ga ee la filayay inay da’aanna ay u muuqdaan kuwo soo daahay.

Deegaanka Qorilley oo ka mid ah meelahaas abaaraha laga soo sheegayo ayaa dadka deegaanka waxay sheegayaan in dadka iyo duunyaduba ay biyuhu gabaabsi ku yihiin, oo haddii aanay roobabka di’in ay galayaan xaalad biyo la’aan oo halis ah.

Siciid Cabdullaahi Cumar oo kamid ah odeyaasha deegaanka ayaa sheegay in dad badan ay biyo la’aan uga qaxeen deegaanno ka tirsan gobolka isla markaana dadka iyo xoolaha ay u baahan yihiin biyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com