War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Dowladaha iyo Ururadda taageera Somalia ayaa waxay rajo ballaaran ka muujiyeen Shirkii Wada-tashiga ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha shanta Dowlad-gobaleed dhawaan ku yeeesheen Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
War-saxaafadeedka Wadajirka ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka ay Madaxdu ku gaareen inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hanaanka doorasho ee doorashooyinka soo socda.
Saaxiibada Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqeen inay lagaam maarmaan tahay in la helo Heshiis ballaaran oo dhex mara Saamileyda Soomaalida iyo in Geeddi-socodka Doorashadda lagu hago Waddo lagu gaari karo Doorashooyin Toos ah.
War-saxaafadeedka Saaxiibada Beesha Caalamka waxay ugu baaqeen dhamaan Saamileyda Soomalaida inay sida ugu dhaqsaha badan u sii wadaan dadaalkooda ku aadan, si loo helo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.
Beesha Caalamka waxay kaloo Madaxda Soomaalida ku boorinayaan inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga.
Ugu dambeyntii, Saaxiibadda Beesha Caalamka Waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, Xisbiyada, Haweenka, Dhallinyarada, Beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.
War-saxaafadeedka Saaxiibadda Beesha Caalamka waxaa si wadajir ah u soo saaray Dowladaha Belgium, UK, Canada, Denmark, Mareykanka, Faransiiska, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Masar, Netherlands, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, QM, Midowga Yurub iyo Urur-Goboleedka (IGAD).
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com