Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada inay soo afjaraan khilaafka ka dhashay heshiiska doorashada kaddib kulanka lagu wado in 15-ka bishan uu ka dhaco magaalada Garowe.
Waxay ka digeen dib u dhac kasta oo ku yimaado shirka looga hadlayo arrimaha doorashada.
“Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka.
“Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay”ayaa lagu yiri’ war ka soo baxay Beesha Caalamka.
Maamulka Puntland horey ayaa horey u sheegay in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aaney madaxweyne u aqoonsaneyn marka uu dhamaado muddo xileedkiisa oo ku ekaa sideedii bishaan Febraayo.
Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde, oo ah wasiirka warfaafinta maamulkaas ayaa BBC-da ugu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ugu yeeri doonaan marka uu xilku ka dhamaado madaxweynihii hore.
Markii ay ka jawaabayeen baaqa Madaxweyne Maxamaed Cabdullaahi Framaajo ayaa sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay in aan lagala tashan in Garoowe shirka lagu qabto sidaas daraadeedna ay iyaguna ku baaqayaan in Muqdisho loo weeciyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com