Beesha Caalamka Oo Baaq U Dirtay Guddoonka Cusub Ee Baarlamaanka 11aaad

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war kasoo saartay Guddoonka Cusub ee Goalaha Shacabka ee la doortay, waxaana Qoraal kasoo baxay Safaaardda habmalyo iyo bogaadin loogu diray hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay ee baarlamanka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda.”

Dhanka kale Qoraal ay soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaana ay u hambalyeeyeen guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Qoraalka Beesha caalamka ayaa lagu yiri “Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka”.

Ugu dambeyntii Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in in doorashada Madaxweynaha hadda lagusoo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com