Beesha Caalamka oo baaq ka soo saartay shirka Dhuusamareeb3

Wadamada Beesha Caalamka ee Taageera Soomaaliya , oo xalay soo saaray War-saxaafadeed wadajir ah, ayaa ku baaqay in dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb, ee qorshaysan in la qabto 15-ka bishan Agoosto oo maanta ku beegan

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka, waxaa lagu sheegay in haddii Madaxda qaar ay ka qayb-geli waydo Shirka soo socda ee Dhuusamareeb, ay taasi baabi’in doonto kalsoonida weli jilicsan ee lagu dhisay Shirkii hore, islamarkaana ay wiiqi doonto in Saamileyda Siyaadda Soomaaliya ay go’aan midaysan ka gaaraan Hannaanka Doorashada Dalka.

Sidoo kale, waxay sheegeen in mudda saddex bilood oo keliya ay ka hartay wakhtiga la qorsheeyay in ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada Dalka, sidaasi darteedna loo baahanyahay in Saamileeyda Siyaasadda Soomaaliya ay dhakhso uga heshiiyaan Hannaanka Doorashada soo socota, si aan dib dhac ugu imaan.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka, Beeshaa Caalamka, ayaa  walaac ka muujisay in qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada Dalku aysan weli wakiiladooda ku darsan Guddiga Farsamada ee loo xil-saaray, in ay ka soo tala-bixiyaan Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada heer Federaal, waxaana Beesha caalamka ay ku boorrisay Dowlad Goboleedyadaas in ay Wakiiladooda ku biiriyaan Guddiga Farsamada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com