Beesha Caalamka iyo Madaxda Dawlad goboleedyada oo ka wada hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Wararka  aynu ka heleyno Magaalada Dhuusamareb ayaa sheegaya in Madxada Dawlada Goboleedyada ee  ku sugan Dhuusamareeb kulan mareegta internedka ama qadka Zoomka ay kula qaateenXubanaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay Marxalada Siyaasadeed ee Dalka iyo sida laga yeelayo maadaama muddada xil heynta Madaxweyne Farmaajo  dhamaatay ayna  ku egtahay 8 bishan  Febraayo 2021.

Ilo Wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa warbaahinta Aragti cusub u sheegay in beesha Caalamka iyo Madaxda Dawlad goboleedyada ay ka wada hadleen sidii doorasho dalka ay uga dhici lahayd oo dalka loo samata bixin lahaa madaamaa madaxweyne Farmaajo uu ku guuldareystay in doorasho uu qabto.

Sidoo kale Warar ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in shir ay garwadeen ka tahay lagu qabto Magaalada Muqdisho shirkaas oo ay ka qayb galayaan dhammaan madaxda Dawlad goboleedyada .

Beesha Caalamka ayaa u muuqata mid si toos ah u soo faragelisay Marxalada Siyaasadeed ee Dalka.

Kulanakaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxda Maamulada Puntland , Galmudug Hirshabeele iyo Jubland marka laga reebo madaxweynaha Koofurgaalbeed oo isaga ku sugan Baydhaba.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadii uu ka jeedyay Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay in dalkaan Soomaaliya lagu haayo Faragelin balse ma uusan sheegin cidda fara gelinta ku heysa.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com