Beeraleyda Gobolka Bay oo ay usoo go’een dalagyo kala duwan

Inkasta oo qeyba badan oo kamid ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ay ku dhufatay abaar baahsan oo saamaysay dad iyo duunyaba, ayaa haddana qaar kamid ah dadka deegaankaasi waxay xoogga isugu geeyeen qodoshada beeraha.

Kaddib roobabkii dhawaan ka da’ay gobolka Bay, ayey beeralaydu sheegayaan in si ka wanaagsan sanadihii lasoo dhaafay, ay u soo go’een dalagyo u badan masago, taasoo wax ka badeshay sicirka messagada la kala siisto.

Cabdinuur Ibraahin Xasan, oo ah gudoomiyaha iskaashatooyinka beeeraleyda gobalka Bay, ayaa sheegay in xiligii roobaadkii u danbeeyey ay ka da’een gobolkani roob xadigiisu wanaagsan yahay.

Sidoo kale, dalagyada kale ee u soo go’ay beeralayda, ayuu Cabdinuur ku tilmaamay Digirta, Sisinta, iyo Galayda.