Beeraleeyda Qaadka Kenya oo raadinayo suuq cusub oo ay qaadka u dhoofiyaan

 

Wasaaradda Ganacsiga ee Kenya ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo khaadka iyadoo khilaaf diblomaasiyadeed uu dib u dhac ku yimid soo kabashada suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee wasaaradda Johnson Weru, oo la kulmay wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi Jimcihii ayaa sheegay in wasaaradu ay bilaabi doonto ka qeyb galka wadamada ay ka mid yihiin Jabuuti, Dimuqraadiga ee Congo iyo Mozambique.

Mr Weru ayaa sheegay in wasaaraddu ay warbixinno ka bixin doonto suuqyada cusub dhammaadka bisha Maarso ee sannadka soo socda.

“Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaana la shaqeyn doonnaa adeegeena diblomaasiyadeed si aan wadahadal ula furno Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno,” Ayuu yiri Mr Weru.

Khilaafka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa sababay in dowladda Soomaaliya ay joojiso jaadkii ka imaan jiray Kenya, waxaana taasi walaac xoogan ka muujiyay ganacsatada iyo beeraleyda khaadka Kenya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com