Barlamaanka labada gole oo shaaciyay xiliga laqaban doono gudoonka doorashooyinka labada gole

 

Kulan wadajir ah ay yeesheen Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu meel mariyay ajendayaashii la horgeeyay oo kala ahaa:

1. Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

2. Warbixin ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa soo socda ee Guddiga Qabanqaabada Golaha Shacabka.

Xildhibaano gaaraya 190 ayaa ogolaatay in wax ka badal lagu sameeyo Habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo tan Madaxweynaha, waxaana diiday 6 Xildhibaan, halka uu ka aamusay 1 mudane.

Sidoo kale, Xildhibaanada labada aqal ayaa ansixiyay in lacagta is diwaangalinta musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha laga dhigo lacag dhan 40-kun oo dollar, halka markii hore ay ahayd ahayd 30-kun oo dollar.

Musharaxa u tartamaya Guddoomiye Baarlamaan waxaa isna laga qaadayaa lacag gaareysa 20-kun oo dollar, waxayna hore u ahayd 15-kun oo dollar.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com