Bankiga Dhexe Soomaaliya oo Amray in la qaato lacagta $-50 dolar ee la diiday

War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu amray maamulada bankiyada iyo ganacsatada in ay ka qayb qaatan socodsiinta iyo isticmaalka lacagta $-50 dolar ka dib markii la diiday in la qaato

Amarkaan ka soo baxay Bangiga Dhexe ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu la kulmay madaxda bangiyada dalka.

Sababta loo diiday Isticmaalka lacagta 50ka dolar ayaa lagu sheegay in dalka ay soo gashay lacag faalso ah oo u eg lacagta 50 dollar.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com