Bankiga Aduunka oo lacag ugu Deeqay Soomaaliya

Agaasimayaasha  Hay’adda Bangiga Adduunka waxay ansixiyeen 55 million oo Dollar oo Taageeradda Horumarinta Caalamiga oo lagu taageerayo Dib-u-habaynta Siyaasadda Dhaqaalaha Somalia ee sanad-maaliyadeedka haatan socda.

Siyaasadaasi waxaa lagu xoojin doona Maaraynta Maaliyadda iyo Sare-u-qaadida Kobcinta Ganacsiga Khaaska loo leeyahay.

Qoraal la soo dhigay Websaytka Bangiga Adduunka (The World Bank) ayaa lagu sheegay in Miisaaniyadaasi dheeraadka ah  uu sahli doono dhibaatooyinka Caalamiga ee laga dhaxlay Xanuunka COVID 19 iyo in la sii wado sidii loo xaqiijin lahaa Barnaamijka Dib-u-habaynta ee lagu taageerayo Somalia, Dib-u-hawlgelinta iyo Dib-u-habaynta Maalgelinta  Horumarinta Siyaasadda dheeriga iyo baahida khatarta ee dib loogu eego Miisaaniyadda sanadkan 2020-ka.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federalka, Abdirahman Duale Beileh ayaa soo dhaweeyey Taageeradda Bangiga Adduunka, wuxuuna xusay in Dib-u-eegista Miisaaniyadda ballaarinayso Lacagaha Caddaanka ee la siinayo Qoysaska Nugul.

Wasiirka waxa uu intaasi ku daray inay muhiim u tahay Kordhinta Deeqaha la siiyo Dowlad-gobaleedyada, si ay wax uga qabtaan Masiibada sababtay inuu Dakhligooda hoos u dhaco.

Dhinaca kale, Wakiilka Bangiga Adduunka u jooga Somalia, Hugh Ridell waxa uu sheegay in Taageeradda Miisaaniyadda ee ay siiyeen Somalia ay badbaadin doonto Nolosha iyo Hab Nololeedka, isla markaana ay xoojin doonto Awooda ay Hay’addaha Somalila kaga fal-celin karaan saddexda Masiibo ee Xanuunka COVID 19, Duullaanka Ayaxa iyo Ka-hortaga Fatahaada ee khatarta gelin kara Barnaamijka Dib-u-habaynta Somalia ee Ka-bixista