Bankiga Hormarinta Afrika iyo Bankiga Aduunka oo ka qayb qaadanaya qorshaha Deen Cafinta Soomaaliya

Muqdisho,Bankiga Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay hannaanka ay Soomaaliya uga cafinayaan $122.55 milyan oo doolar oo ah deyntii ay ku lahaayeen.

Kulan ay yeesheen guddiga sare ee maamulka Bankiga Horumarinta Afrika ayaa lagu go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Go’aan kaan taariikhiga ah waxa uu Soomaaliya u furayaa albaab cusub oo horumar ah, oo ay ka midtahay Soomaaliya in loola macaamilo sida dalalka kale ee Qaaradda Afrika, isla markaana laga qaado cunuqabateyntii saarneyd.

“Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

“Bankiga Horumarinta Afrika wuxuu Soomaaliya ku raacay dib-u-habeyn adag, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya kaliya inay noqoto meel wanaagsan dhammaan dhinac kasta Soomaalida. Waxaa naga go’an inaan sii wadno dib-u-habaynteena maadaama aan aragnay faa’iidooyinkooda, nidaamyadeena maamul iyo awoodda aan u maareyno dhaqaalaheena iyo tan ugu muhiimsan, inaan sare u qaadno isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa intaa ku daray “Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com