Banaan bixii midowga musharixiinta ee loo ballansanaa beri sabti ah oo dib u dhacay

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday bannanbixii Muqdisho ee qorsheysnaa in uu dhaco berri

Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir Jaraa’id qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in bannaanbaxaasi u baaqday arrimo dhanka ammaanka ah oo jira awgood

Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Shariif in ay dib ka soo sheegi doonaan bannaanbax ay amnigiisa sugi doonaan Midowga Murashaxiinta.

Dinaca kale Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay mar walba diyaar u tahay in gobolka Banaadir lagu qabto banaanbax nabadeed oo dowladdu amnigiisa sugeyso.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com