banaan bax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho Waxaa ka bilowday  dibad bax  looga soo horjeedo madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,

Bananaabaxa ayaa ayaa ka dhacay  Isgoyska Fagax Fagax ee Magaalada Muqdisho , Halkaas ataa waxaa ku sugan oo la wareegay ciidamo ka gadoodsan dowladdaSoomaaliya ee Muddo xileedkoodeeda uu dhammaaday.

Dibad baxayaasha ayaa ku qaylinayay ereyo ka dhan ah Farmaajo doonimayno ,oo ay  ku muujinaayeen sida  uga soo horjeedaan Dawlada farmaajo, sidoo kale waxay taayaro ku gubeen  bartamaha Isgoyska Fagax.

Ciidamada gadoodsan ee taabacsan Midowga Musharixiinta ayaa maanta la watreegay isgoyska fagax Halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah oo ka mar qaata Dawlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com