Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya maanta halkaasi uu ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo Maamulka Hirshabeele
Dadka dibad baxaya dhigayay ayaa isigu yimid Afaafka Hore Xaruunta Maamulka gobolka Hiiraan ee Baladweyne , waxaana ay ku dhawaaqayeen Erayo ay uga soo horjeedaan Madaxda Cusub ee maamulka Hir shabeele
Dibad baxayaasha ayaa Taayaro ku gubay laamiga iyaga oo gebi,aanba xirtay wadadaasi , hase yeeshee Magaalada Baladweyne ayaa gashay Xaalad ka duwan sidii hore iyadoo xaafado ku yaala Magaaladaasi ay maalmahaanba fariisimo ay ka sameysteen maleeshiyo uu hogaamiyo General Xuud kuwaas oo Fariisimo ka sameystay Xaafada Nuur Xawaad ee Degmada Baladweyne
Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira Boolis , military iyo Nabad sugid ay u dhaqaaqeen Fariisamaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada uu horkacyo General Xuud waxana halkaasi laga cabsi qaba in uu ka dhacyo Dagaal u dhexeya Ciidamada Xuuti iyo Ciidanka Maamulka gobolka Hiiraan
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com