Bam gacmeed xalay lagu Tuuray Koontarool ku taala Magaalada Baladweyne

Wararka ka Imaanaya Magaalada Baladweyne  ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  in kooxo hubeysan weerar bam gacmeed ah ay ku qaadeen bar koontarool eek u taala Xaafada Buundaweyn .

Kooxaha Hubeysan ayaa dhawr bam gacmeed ku tuuray farsiinka ciidankaasi ay ku leeyihiin xaafada BuundaWeyn ee bartamaha Magaalada Baladweyne waxana wararku ay sheegayaan in ciidankii lagu tuuray Bamgacmedka ay rasaas jawaab uga dhigeen balse lama oga khasaaraha ka dhashay bamka ciidankaasi lagu tuuray iyo rasaasta ay uga falceliyeen.

Ciidamada Maamulka Hirshabeele iyo kuwa Dawlad Federaalka eek u sugan Magaalada Baladweyne ayaa isla xalay sameyay Hawlgalo ay ku soo qabteen dhalinyaro badan ay ku eedeeynayan in ay ku lug lahaayeen weerarkii bamgacmeed ee xalay lagu qaaday fariisinka ay ku leeyihiin xaafada Buundaweyn.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com