Guddiga joogtada ah ee Puntland ayaa u yeeray Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo Wasiirka Qorsheynta, Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange.
Wasiirada ayaa loogu yeeray in wax laga weydiiyo cabasho ay ka soo gudbigeen madax guddiyeedyada Guddiyada baarlmaanka Puntland u qaabikan wasaaradahooda, sid lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ma sheegin waxa ay tahay cabashada laga soo gubiyay labada wasiir ee wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixinno ka dhageystay madax guddiyeedyada Guddiyada qaabilsan hay’adaha dawladda, kuwaas oo muddooyinkii dambe samaynayay kormeero
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com