Xildhibaanada Baarlamaanka Pauntland , ayaa la fasaxay Khamiista berri ah , si loo muujiyo qiimaha iyo qaddarinta Xuska Mowliidka Nebiga Muxamed salla-laahi Caleysi wa-sallim.
Guddoonka Golaha Baarlamanka Puntland, ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in Khamiista berriya ay fasax yihiin, maadaama ay ku beegantahay 12-ka bisha Mowliidka ee Dhalashadii Nebi Muxamed (NNKH).
Sidoo kale, waxa la fasaxay dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Dowladda Puntland, waxaana haatan magaalooyinka waaweyn ka socda u diyaar-garowga Xuska Mowliidka oo ku beegan maalinta berriya.
Xarumaha Culimaa’udiinka loo yaqaan Suufiyadu ay ku leeyihiin magaalooyinka kala duwan ee Puntland, ayaa tan iyo xalay laga maqlayay Dikriga iyo Shallaadka loogu diyaar-garoobayo Xuska Mowliidka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com