Baarlamaanka Jubland oo maanta doortay 4ta Senitor uga harsaneyd Aqalka sare

Baarlamanka Jubbalanad ayaa maanta doortay Afarta Kursi ee maamulkaas uga harsaneyd xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartamayey ilaa 8 musharax, kuwaasi oo xildhibaanada u jeediyay khudabo kala duwan oo ay kaga dalbanayeen inay siiyan codkooda.

Akhriso Musharaxiinta ku soo baxay afartaas kursi iyo codadka ay ku guuleysteen:

Kursiga 1-aad: Waxaa ku tartamay Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Senator Xasan Daahir Yarow, oo isagu helay codad gaaraya 59.

Kursiga 2-aad: Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku soo baxay kursigan, isagoo helay codad gaaraya 57 cod, wuxuuna kaga guuleystay Farxiyo Macalinta Cabdi oo kursigaas kula tartameysay.

Kursiga 3-aad: Kursigan oo ahaa qoondo haween ayaa waxaa kusoo baxday Layla Nuur Maax oo heshay 63 cod, waxayna kaga adkaatay Xareedo Maxamed Sheekh oo ayadu heshay 9 cod oo keliya.

Kursiga 4-aad: Waxaa ku tartamay kursigaan Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye oo heshay codad gaaraya 50 cod.

Hase ahaatee ‘Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii Afaraad ee soo geba-gabeeya doorashada Aqalka Sare, wuxuuna ahaa maamulkii u horeeyay ee billaabay doorashadaas oo xiligan labo kursi un uga harsan tahay Galmudug

Xafiiska Warrka Muqdisho

Info@aragticusub.com