Axmed Madoobe oo wasiiro Mucaarad ku ahaa kula kulmay Garoowe

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubland ayaa magaalada Garowe kula kulmay xubno ka Tirsan wasiirada dowlada federalka ee ka qeybgalay aaska marxuum Xasan Abshir Faarax.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Maxamed cabdilaahi salaad Oomaar iyo Wasiirada Dastuurkaxukuumadda Soomaaliya  iyo Wasiirka  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxana ay ka wadahadleen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo Jubbaland.

Warar ayaa sheegaya in kulankan uu ahaa mid rabay doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo lagu wado in kulan gaar ah ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com