Axmed Madoobe oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan matali karin Qaran maadaama uu sheeganayo Hal Gobol

Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe oo saxafada kula hdlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka war bixiyay natiijo la’aanta uu ku idlaaday shirkii Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa  ka hadlay sababihii dhaliyay in natiijo la’aan ku dhamaado shirkii Dhuusamareeb waxana uu yiri “Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, annaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo annaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara ma’aha, waa masiib darro”ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Axmed Madoobe

“Farmaajo afar sano wadankaan aan arkay isagu ma maamuleen ee yaa maamulayay, waxaan diyaar u ahay wax kasta oo xal lagu heli karo, waxaan ka xumahay dagaalka ka socdo gobolka Gedo.”ayuu raaciyayhadalkiisa Madaxweynaha Jubland .

Madaxweynaha Maamulka Jubland  Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku laabanayo magaalada Kismaayo uuna ka hadli doono marxalada Siyaasaded ee dalka

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com