Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta socdaal ku tagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud halkaas oo lagu soo dhaweeyay .
Shacabka Cadaado iyo Masuuliyiin ka Tirsan maamulka Galmudug ayaa Madaxweyne Axmed madoobe ku soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado.
Madaxweyne Axmed ayaa waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan isla markaana uu muddo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa
Axmed Madoobe Wuxuu sheegay in uu jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo.
Shacabka ree Cadaado ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay garab istaagan maamulka Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com