Axmed Madoobe oo Go,aan Taariikhi ah ku Tilmaamay Ansixinta Heshiiska Doorashooyinka Dalka

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Heshiiskaas uu dhabbaha  u xaarayo  in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalka u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

“ waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena” ayuu yiri Madaxweynahu.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe  u mahad celiyay Xildhibaanadaabada Aqal ee Baarlamanka Federaalk ago’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com