Axmed Madoobe iyo Donald Yammamoto oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa maanta kulan ku  yeeshay Muqdisho waxana ay ka wadahadleen  arrimo la xiriira dhinaca  doorashooyinka iyo  sidii looga gudbi karo caqabadaha jira ee hakiyay doorashada.

Kulanka Axmed Madoobe iyo Danjire Donald Yammamota Kulankaasi ayaa sidoo kale looga hadlay sidii  shirarka soo u dexeya Dawlada Soonaaliya , Dawlad goboleedyada . iyo gobolka Banaadir uu u  noqon lahaa mid guuleysta oo ay ku qancaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa si weyn Madaxda Siyaasadda cadaadis ugu saaraya sidii heshiis looga gaari lahaa hirgelinta doorashada iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii doorashooyinka ee 17 September ee sanadkii hore.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com