Askari lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in askari ka tirsanaa ciidanka Ahlu Sunna Waljamaaca dilloogu geystay Degmadaasi oo xaruunta Maamulka Galmudug

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari kale oo ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna, wuxuuna falka ka dhex dhacay xarunta INJI ee gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid yahay ciidamada ilaalada ee wasiirka amniga Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf oo isna ka tirsan Ahlu Sunna.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta Aragti Cusub.com  u xaqiijiyay  in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex galay labada askari oo la sheegay inay qaraabo yihiin.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com