Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo laba wiil ku dilay Kaxda

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir, askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa xalay wuxuu ku dilay Degmada Kaxda laba wiil oo dhalinyaro ah.

Labadan wiil ee dhalinyarada ah ayaa dilkooda wuxuu yimid, kadib markii waxyaabaha Maanka dooriya ay isku qabsadeen askari, waxaana la sheegay inuu rasaas ku furay iyagoo koox dhalinyaro ah.

Dhimashada labada dhalinyarada ka sokow, waxaa jirtay dhaawacyo soo gaaray Saddex kale oo ka mid ahaa dhalinyaradii Askariga uu rasaasta ku furay, dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen inay hal meel ku wada sugnaayeen Askariga & Dhalinyarada uu dilka u gaystay.

Askarigii falkaasi dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana wali baadigoob ugu jira laamaha ammaanka dowladda si ay gacanta ugu soo dhigaan Askarigaasi.

Allaha u naxariistee labadii wiil ee dhalinyarada ahaa ee dhintay ayaa saaka lagu aasay Degmada Kaxda, waxaana Aaska ka qayb galay dhalinyarada kala duwan ee Degmada Kaxda oo si wayn uga naxay dilka wiilashaasi loo gaystay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com