Askari ilma yar ku toogtay Xarunta Gobolka Banaadir.

Askari ka tirsan Ciidamada dowlada ayaa maanta wiil sideed jir ah ku toogtay ilinka hore ee laga galo xarunta Gobolka banaadir.

Askarigan oo ka tirsan ilaalada xarunta ayaa dhowr xabo ku dhiftay canuga yar kadib markii lagu eedeeyay in uu xaday Mobile.

Dad ku sugan xarunta Gobolka ayaa aad ula fajacay falkan foosha xun ee uu ku dhaqaaqay Askariga.

Qaar ka mid ah mas,uuliyiinta Maamulka Gobolka ayaa ku talinaya in la soo qabto askariga si ciqaab adag loo marsiiyo.

Xarunta Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com