Askar iyo Dad shacab ah oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas.

dagal ayaa bilowday ka dib markii Alshabab wada ay u galeen kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya’ Weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooge dhinaceed Galbeed ee waddada aadda Wanlaweyn.

Sida Xaqiijiyeen Dad joogayaal ah, weerarka waxaa ku dhintay 9 qof oo laba ka mid ah ey ahaayen darawal waday gadiidka xamuulka ah ee dhuxusha qaada. Toddobada kalena waxa la sheegay inay ahaayeen ciidanka dowladda oo gudbinayey gaadiidkaas.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in laba askari uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa iney gaddoomeen saddax baabuur oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Inna Tareega (N3) oo dhuxul siday kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com