Magaalada Gaarisa ee gobolka woqooyi bari ee Kenya ayaa waxay beryahan u dambeeyey ku soo badanaya falal dambiyeedyoay gaysanayaan dhalinyaro dadka habeenkii toorey ku baarta, iyadoo dhawaan magaalada lagu dilay dad goor habeen ah qasab lagaga qaatay wixii ay siteen iyo teleefoonadii.
Dhcadooyinkaas dadku way ka xumaadeen waxayna caradoodii sii korartaymarkii haweenay caan ka ahayd magaalada isla markaanacaruur danyar ah ku korin jirtay cunto ay dariiqyada ku diyaariso dhalinyaradaasi qudha ka jareen.
Haddaba Xuseen Maxamed Dhaqane oo ah xubin ka tirsangolaha deegaanka ee magaalada Gaarisa ayaa BBC-da uga warramay sababaha arrimahaan wax looga qaban la’yahay.