AMISOM Oo Mar Kale Dad Shacab Ah Ku Dishay Shabeellaha Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in 1 qof uu ku gèeeriyoodey 2 kale dhaawac soo gaarey kadib markii ciidamada howlgalka midowga Africa ee loosoo gaabiyo AMISOM ay madaafiic ku garaaceen degmada gudaha degmada Qoryooley.

Arintan oo ka dhacdey xaafaadda Hodan ayaa argagax ku noqotay dhamaan shacabka magaaladan, iyadoona dadka dhibka gaaray isku qoys ahaayeen, saaka ayaana dhaawaca loosoo qaadey magaalada muqdisho.

Ciidamada oo ah ururka degan degmada ayay shacabka deegaanku sheegen in xaley Salaadda Cishaha kadib ay bilaabeen rididda hubka culus oo aan la ogeyn waxa ay ugu danlahaayeen.

AMISOM ayaa sidan oo kale dad shacab ah ugu leysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi, waxaana horay ay dad shacab ugu laayeen Degaanka Golweyn.

Maamulka iyo saraakiisha degmada wali kama hadlin arintan ka dhacdey degmada ay xukumaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com