Amisom oo Faah Faahin ka bixisay Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ay ka Fuliyeen Soomaaliya

Hawlgalka Ciidanka AMISOM, ayaa soo bandhigay  warbixin  ku saabsan  howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada AMISOM, iyo Xoogga Dalka ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

War Qoraal  ah oo ka soo baxay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed  howlgalkii ugu dambeeyay ku qaadeen degaananda Mushaani , Doonka, oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose , Islamarkaana  ay ku dileen Xubno ka tirsan Al Shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM Gen. Don William Nabasa, ayaa sheegay in howlgallada oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo AMISOM, oo ay ka sameeyeen  hawlgallo isdaba joog ah oo loogu talagalay in lagu baacsado Al Shabaab.

Sidoo kalesarkalaaskaasi  waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerareen 12-kii Bishan Febaraayo Tuulada Adimole, halkaas oo ay isku aruursanayeen Al Shabaab, si ay u weeraraan fariisimaha ciidamada AMISOM.

Hadalkaan ka soo baxay Ciidanka Amisom ayaa ku soo beegmaya xilli Alshabaab ay kordhiyeen Weerarada ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidanka Amisom iyo kuwa dawlada Federaalka ay ku lee yihiin gobolada Dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com