Amisom oo beenisay war ka soo Saraakiisha Ahlusunna

Taliska ciidamada AMISOM ayaa ka falcelisay dhaliil  uga timid  Ahlusunna Waljamaaca oo dhowaan ku eedeeyey inay ka qeyb-qaateen dagaalladii ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Bayaan ka soo baxay AMISOM ayaa marka hore lagu sheegay in waxbaka jiraan ay tahay eedeynta kasoo yeertay Ahlu Sunna Waljamaaca, iyada oo beenisay in in ay ka qayb qaatay dagaaladii ka dhacay Guriceel.

Sidoo kale AMISOM ayaa tilmaamtay in ujeedka eedeynta ay tahay mid lagu doonayo in la’isaga horkeeno ciidamada AMISOM iyo bulshada Soomaaliyeed

“Howlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto kaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo inay caawiyaan ciidanka dowladda.

taliska AMISOM ayaa sheegay inay xoojin doonaan waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay ka shaqeynayaan ammaanka Dhuusamareeb & doorashada ka dhaceysa.

Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay  AMISOM ayaa ku soo aadaya ka dib markii Ahlusuna dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel ay ku Eedeysay Amisom in Hub  ay ku taageertay Ciidanka dawlada Federaalka ee Ahlusunna kula dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com