Madaxda Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Saraakisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay kor u qaadista isku dubaridka howlgalada milatari ee wadajirka ah si looga hortago khatarta ka imaaneysa Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya, iyo Taliya Ciidamada Dhulka ee xoogga Abas Amin Ali, oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa khamiistii, isku raacay muhiimad ahaan in la dhiso unug isku duwa howlgalada looga horjeedo Alshabaab
Talaabadaan ayaa Imaanaysa Xilli Dawlada Federalka
Soomaaliya Saraakiisheeda Amniga iyo Madaxda Hawlgala Amisom ay doonayan in ay iska kaashadan Xoojinta Hawlgalada ka Socda Soomaaliya
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com