Amiirka Qatar oo amray in Deeq Qalab Caafimaad loo soo diro Soomaaliya

Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya loo soo diro gargaar caafimaad oo wax ka tara dadaallada looga hortagaaayo cudurka Covid 19.

Amiirka oo soo saaray  hadal kooban ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad caafimaad oo loo soo diro Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in dalka Qadar uu ka qeybqaadanaayo dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo viruska Corona.

Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Corona,ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala duwan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah,hayeesheee Dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladan Susan weli Soomaaliya Soomaaliya soo gurman.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com