Amiika Dalka Qatar oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

Amiirka wadanka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad ayaa uga tacsiyeey Dawlada Soomaaliya iyo Dhamman shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Bayaan ka soo baxay xafiisaka Amiirka Qatar ayaa lagu sheegay in Amiirka Qatar uu murugada la qeybsanayo qoyski uu ka baxay marxumka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Sidoo kale, waxaa dhambaal tacsi ah usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo amiir ku-xigeenka dalka Qatar Sheekh Cabdullaahi bin Xamad .

Dhinaca  kale,  Ra’iisal Wasaaraha Qatar,  Sheekh Khaalid bin Khaliifa ayaa uga tacsiyeeyay  dhiggiisa Soomaaliya mudane Maxamed Xusen Rooble geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com